Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo Baydhabo gaaray & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed, goleyaasha kala duwan iyo bulshada Koonfur-galbeed.

Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed isagoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda mamaulkaas

Waxaa xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagaga xoreynayo Alshabaab oo wajiga labaad laga fulin doono degaannada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed oo weli ay ku xoogan yihiin kooxdaas.

Safarka Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa ku soo aadaya xili uu dhamaad ku dhow yahay sanadkii dheeriga ahaa ee Madaxweyne Laftagareen uu sameystay muddo kordhinta, islka markaana siyaasiyiinta mucaaradkiisa loo diiday iney tagaan magaalada Baydhabo ka dib markii ay bayaan ay dhowaan saareen ku sheegeen iney muhiim tahay qabashada doorashada hogaanka Koonfur Galbeed

Related posts

Dowlad ugu yeertay dadkeeda sannadkan xajinaya in ay iska yareeyaan Sawirrada ay galayaan

Cabdi Cade

Xasan Sheekh oo saakay Hoygiisa ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag maanta ku riday Eeney Ureyn Garaar Ooyow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---