Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee shacabka dulman ee reer Falastiin kasoo gaaraya duqeymaha arxan darada ah ee diyaaradaha Isreal ku garaacayaan magaalada Gaza.
Israel ayaa isbuucii labaad oo xiriir ah gantaalo culus ku garaaceysa magaalada Gaza, waxa ayna Israel weerarkan ugu aargudeysa weerarkii uurka Xamaas 7-dii bishan ku dileen dad ka badan 1,300 qof oo Israa’iiliyiin ah.
Wasiirka caafimaadka Falastiin, Mai al-Kaila ayaa shaaciyay duqeymaha Israel ku wado magaalada Gaza maalintii 11-aad oo xiriir ay ku dhinteen dad gaaraya 3,300, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 13,000 oo qof.
Dadka lagu laayay duqeymaha Israel ayaa waxaa ku jira dadkii xalay lagu xasuuqay isbitaalka Al Ahli ee magaalada Gaza, waxaana weerarkaasi la sheegay in ay ku dhinteen dad ka badan 500-qof oo shacab ah.
Israel ayaa wada duqeymaha ay ku xasuuqeyso shacabka Falastiin ee ku dhaqan magaalada Gaza, waxaana weerarkan indhaha ka qarsaday dowladaha reer Galbeed oo Israel ku taageeraya xasuuqa ay shacabka ku hayaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com