Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Wasiirka Difaaca Kenya (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya mudane Aadan Barre Ducaale ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol , si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay sida dowladda Kenya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageeridda halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad u dhaxeysa ciidamada Hirshabelle iyo kuwa Janaraal Xuud oo ka taagan Baladweyne

Cabdi Cade

Ciidamo diidan muddo kororsiga Laftagareen oo Baydhabo looga dhawaaqay

Caydiid Ali

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---