Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeymaha diyaaradaha dagaalka Israa’iil ka geysteen Isbitaalka Al-Ahly ee Gaza, kaas oo ay ku dhinteen boqolaal Falastiiniyiin ah tiro ka badana ay ku dhaawacmeen.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerarka ciidamada Israel xalay ku xasuuqeen boqolaal shacab Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa isbitaalka kuyaalla Gaza.
“Waxa ay Israa’iil ka samaynayso Qaza waxa loo arkaa xad-gudub bareer ah oo aan sabab lahayn iyo fal ka hor imanaya xeerarka caalamiga ah iyo xeerarka iyo qiyamka bini’aadantinimo oo uu jiro sharciga bini’aadanimo” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dubadda.
Dowladad Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday dowladad Israel in ay ixtiraamto sharciga caalamiga ah, isla markaana si shuruud la’aan ah oo degdeg ah loo joojiyo dagaalka, lana furo waddooyin gar gaarka lagu gaarsiiyo shacabka Falastiin.
Dowladaha Islaamka ayaa si weyn uga carrooday duqeyn xalay diyaaradaha dagaalka Israel la beegsadeen isbitaal kuyaalla magaalada Gaza, kaa oo ay ku dhinteen dad ka badan 500-qof, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com