Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya Dr. Abdolla Salem Alnuaimi.
Duqa magaalada Muqdisho iyo Alnuaimi ayaa ka wada hadlay xariirka labada dhinac, iskaashiga iyo dar-dargelinta mashaariicda horumarineed oo ay dowladda Qatar ka fuliso gobolka Banaadir.
Sidoo kale labada masuul ayaa kulankooda waxa ay iskula soo qaateen xoojinta taageerada dowladda Qatar iyo dhiira-gelinta maalgeshiga dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna dowladan Soomaaliya ka hirgalisay mashaariic badan ay ku jiraan dhismaha waddooyinka Muqdisho ku xira degmooyinka Balcad iyo Afgooye.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com