Allbanaadir.com
NEWS

Aqalka Cad oo War kasoo saaray Xasuuqii xalay ka dhacay Isbitaal kuyaalla Gaza

Diyaaradaha dagaalka ciidamada Israel ayaa xalay duqeyn culus oo dhalisay khasaaro aad u badan ku garaacday isbitaal kuyaalla magaalada Gaza, halkaas oo lagu daweenayay dhaawacyada dad badan oo wax ku noqday duqeymaha Isreal.

Duqeynta Isreal la beegsatay isbitaalka kuyaalla magaalada Gaza waxaa ku dhintay dad ku dhaw kun qof , halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen, dadkaasi ayaana ahaa dhammaan shacab ay ku jiraan carruur badan iyo haween.

War saxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad ee dalka Mareykanka looga arrimiyo ayaa lagu sheegay in madaxweyne Joe Biden uu tacsi u dirayo dadkii lagu laayay duqeynta Gaza, sidoo kale uu caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

“Madaxweyne Biden waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii rayidka ahaa ee aan waxba galabsan ee ku dhintay weerarkii cusbitaalka Gaza, isaga oo inta dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad degdeg ah” ayaa lagu yiri qoraalka madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale warka kasoo baxay Aqalka Cad lagu sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu sii wadayo inuu si dhakhso ah madaxda Israel iyo kuwa Carbeed si fool ka fool ah ula tashado, isla markaana uu ula xiriiro maalmaha soo socda.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaana qoraalka  kasoo baxay marnaba lagu cambaareyn xasuuqa xalay Israel geesatay, waxa uuna xasuuqan imaanaya xilli madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden uu u safray Israel, si uu taageero ugu muujiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Qaacida oo sii deysay Dhaqtar reer galbeed ah oo todoba sano u afduubnaa (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo soo bandhigtay heshiis lagu qaboojinayo xiisada Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali

Dowlada oo shaacisay in la bur buriyay Xabsi qarsoodi ah ay lahaayeen Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---