Carada ayaa ah mid laga dareemayo Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika iyadoo kumanaan ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay u muujiyaan sida ay uga xun yihiin xasuuqa Israel ee Isbitaalka Al-Ahli oo ku yaalla magaalada Gaza
Mudaaharaadyo iskood ah ayaa ka socda Ramallah, Amman iyo Aqaba oo ka tirsan Urdun, Istanbul iyo Ankara ee Turkiga, Idlib oo Suuriya ah, caasimadda Morocco ee Rabat, caasimadda Tunisia ee Tunis, Yemen Taiz iyo meelo kale oo ka tirsan Dunida Islaamka
Dadku waxay isugu soo baxeen waddooyinka iyagoo cambaareynaya “dambiyada ka dhanka ah bini’aadminimada” magaalada Beirut ee dalka Lubnaan iyadoo ay sii kordhayaan wararka ku saabsan weerarka isbitaalka Gaza iyo tirada dhimashada oo sareysa.
Booliska Lubnaan ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u isticmaalay kala ceyrinta  dibed baxayaal careysan oo weeraray safaaradaha Mareykanka iyo France ee magaalada Beirut.
Dhinaca kale, dibed baxayaal careysan ayaa dan qabadsiiyey safaarada Israaiil ee magaalada Cammaan dalka Jordan, iyadoo Booliska iyo dadka dibed baxayey ay idku dhaceen.
Kooxda Hezbollah ayaa ku baaqday mudaaharaad wayn berrito kaasoo ka dhacaya duleedka Koonfurta Beirut  kaasoo loogu magac daray maalinta muujinta carada”.
Xagga dagaalka Hezbollah iyo Israa’iil, waxaa si tartiib tartiib ah u sii xumaanayay usbuucii la soo dhaafay. Maanta ayaa waxaa la isweydaarsaday rasaas xooggan iyo madaafiic..
HOOS KA DAAWO SAWIRADA