Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Xaalada argagaxa leh ee caawa ka jirta Gaza & xasuuqa dhacay

Weerarkii lagu qaaday Isbitaalka Al-Ahli Carab ee magaalada Gaza oo ay ku dhinteen dad ku dhow 1000 qof ayaa si degdeg ah u dhaliyay cambaareyn caalami ah, iyadoo xarumaha wararka iyo baraha bulshada ay buux dhaafiyeen muuqaallo muujinaya qolal gubanaya iyo xaalad argagax leh.

“Tani waa wax laga xumaado waxayna mar kale muujinaysaa ixtiraam la’aan qaawan oo loo hayo nolosha dadka rayidka ah,” ayey tiri Hay’adda Qaramada Midoobay ee Gargaarka iyo Shaqada ee Qaxootiga Falastiin ee Bariga dhow (UNRWA).

Boqorka Urdun, Cabdalla ayaa weerarka ku tilmaamay mid “xasuuq” iyo “ceeb ku ah bini’aadantinimada”.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa soo saartay bayaan ay ku sharraxayso in isbitaalku uu kaalin muhiim ah ka qaatay bixinta hoy la siiyo dadka rayidka ah.

“Isbitaalku waxaa ku jiray boqollaal bukaan iyo dhaawac ah, dadkuna si xoog ah ayay uga barakaceen guryahooda,” ayay wasaaraddu tiri.

Tobanaan kun oo qoys ayaa Isbitaallada Qaza buux dhaafiyey iyagoo doonaya inay ka badbaadaan duqeymaha ciidamada Israa’iil ee aan dhammaadka lahayn.

Muuqaalo ay Aljazeera ka soo duubtay goobta uu shilku ka dhacay ayaa muujinayay dhaqaatiir caafimaad oo argagaxsan, meydadka dad shacab ah oo bacaha cad cad iyo bustayaal Dhiig leh lagu sido, barxadda Isbitaalka oo mugdi ah webiyo dhiig lehna ay qulqulayaan.

Mustafa Barghouti, oo ah hogaamiyaha xisbiga siyaasadeed ee Falastiiniyiinta ee Initiative (PNI), ayaa u sheegay Al Jazeera in weerarka Isbitaalka uu soo dedejinayo hogaamiyayaasha caalamka inay su’aalaan taageerada ay u hayaan Israel.

Caro xooggan ayaa laga dareemayaa Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika iyadoo kumanaan qof ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay u muujiyaan sida ay uga xun yihiin xasuuqa Israel ee Isbitaalka Al-Ahli magaalada Gaza

Mudaaharaadyo iskood ah ayaa ka socda Ramallah, Amman iyo Aqaba oo ka tirsan Urdun, Istanbul iyo Ankara ee Turkiga, Idlib oo Suuriya ah, caasimadda Morocco ee Rabat iyo caasimadda Tunisia ee Tunis, Yemen Taiz iyo meelo kale.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Madaxweyne Xasan oo ku casuumay in Muqdisho timaado Marwo Samia Suluhu (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada oo dejisay qorshe cusub oo ka dhan ah Jeneraal Xuud iyo magaalada Baladweyne !

Cabdi Cade

Qoorqoor oo kulamo kala duwan la yeeshay James Swan iyo Mrs. Heidi Johansen (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---