Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamaas oo cashar u dhigtay RW Jarmalka oo booqanayey Tel Aviv (Daawo Sawirro)

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholz ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku tagay magaalada Tel aviv ee dalka Israa’iil.

Olaf Scholz oo ujeedadiisa booqashadiisa lagu sheegay mid uu taageero ugu muujinayey shacabka iyo dowlada Israel oo dagaal kula jirta Xamaas.

Waxaa uu kulan la qaatay dhigiisa Israel Benjamin Netanyahu oo ay ka wada hadleen sidii Israel looga taageeri lahaa dagaalka kaga furan Xamaas iyo Xisbullah.

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholz ayaa markii uu dhameystay booqashadiisa uuna gaaray garoonka dayuuradaha Magaalada Tel Aviv ayaa hawada magaalada waxaa isqabsaday dhawaaqa digniinaha ee sheegaya in gantaalaha Xamaas ay ku soo wajahan yihiin magaalada.

Arrintaas ayaa keentay in Hogaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholz loola cararo goob amaan ah oo dhulka hoostiisa ku taalla, waxaana la arkayey xubno ka tirsan wafdigiisa oo beerka dhulka ku haya si ay uga gabadaan madaafiicda.

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholz ayaa markii dambe isagoo argagaxsan si dirqi ah uga dhoofay magaalada Tel aviv isagoo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar oo uu caawa ku hoyanayo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Addis ababa iyo xog ku aadan ujeedada socdaalkiisa

Caydiid Ali

Taliyaha Ciidanka xoogga oo kulan xasaasi ah la qaatay Soner Oruçoğlu

Cabdi Cade

Xildhibaanad katirsaneyd Baarlamaanka Afganistan oo la toogtay iyo Taliban oo ka hadashay

Cabdi Cade