Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga iyo dalal kale oo si kulul uga hadlay xasuuqa caawa ka dhacay Gaza

Boqortooyada Saudi Arabia ayaa cambaareysay weerarka Isbitaalka Gaza ee Israel oo ay ku tilmaantay dambi aad u fool xun oo aan la abqali karin.

Saudi Arabia ayaa falkan ku tilmaantay dambigii foosha xumaa ee ay geystaan ciidamada Israa’iil iyagoo duqeeyay isbitaalka al-Ahli ee Gaza sida Wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada ayaa bayaan ku sheegtay.

Dhanka kale, Boqorka Urdun Cabdalla ayaa sheegay in weerarka oo ay ku dhinteen boqolaal qof uu ahaa “xasuuq” iyo “dambi dagaal” oo aan laga aamusi karin.

Bayaan ka soo baxay boqortooyada ayuu boqorku ku sheegay in Israa’iil ay tahay inay si degdeg ah u joojiso dagaalka ay kula jirto gobolka, waxaana uu ku tilmaamay ficilada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta aan waxba galabsan iney yihiin kuwo ceeb ku ah bini’aadantinimada”.

Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa isna cambaareeyay weerarkii ka dhacay isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza isagoo hadallo kooban siiyay warfidiyeenka.

“Wararka ka imaanaya Gaza waa mid argagax leh oo aan gabi ahaanba la aqbali karin. Sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo kuwa caalamiga ah wuxuu u baahan yahay in la ixtiraamo arrintan lama aqbali karo,” Trudeau ayaa ka sheegay Ottawa.

“Waxaa jira shuruuc ku saabsan dagaallada, lamana aqbali karo in isbitaal lagu dhufto.” ayuu intaas raaciyey RW Canada.

Dad ku dhow 800 oo qof ayaa la xaqiijiyey iney ku naf waayeen duqeyn caawa ciidamada Israel ka geysteen Isbitaalka ku yaalla, waxaana ka dhashay caro iyo cambaareyn xoogan oo caalamka isqabsatay.

Related posts

Abdelkadir Bensalah oo loo magacaabay Madaxweyne ku meel gaar ah

Caydiid Ali

Carro xooggan oo ka dhalatay dil Gabar Soomaaliyeed loogu geestay magaalada Saskatoon

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Deni, Khayre iyo C/wali Gaas oo Nairobi ku kulmay? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---