Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dibed-baxyo looga soo horjeedo Israel oo caawa hareeyey dalalka Islaamka qaarkood

Qaar ka mid ah dalalka Muslimka ah ayaa waxaa ka bilowday Dibad-baxyo lagaga soo horjeedo duqeymaha Israa’iil ka wado Gaza ka dib markii caawa Isbitaal ku yaalla magaaladaas la duqeeyey ayna ku dhinteen dad ka badan 600 oo qof

Dalka Jordan ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u faro badan, iyagoo ku hor mudaharaaday safaaradda Israa’iil ee magaalafa Ammaan.

Sidoo kale, Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee Qunsuliyadda Israa’iil ee magaalada Istanbul, si ay uga mudaaharaadaan dilka in ka badan 500 oo falastiiniyiin ah oo Israa’iil ay duqayn ka geysatay Isbitaal ku yaalla Gaza.

Magaalooyinka Qaahira, Tehran iyo qaar kale oo ku yaalla dalalka Carabta iyo kuwa islaamka ayaa sidoo waxaa sido kale isugu soo baxay dad careysan oo ku dhawaaqaya ereyo aay uga soo horjeedaan Israel iyo xaasuuqa ay ka wado magaalada Gaza.

Xaalada bariga dhexe ayaa u muuqata iney faraha ka sii baxeyso iyadoo ay haatan sii kordheyso cabsida laga qabo in dagaalka u dhexeeya Israel iyo falastiiniiinta uu ku fido meelo badan ayna dagaalka soo galaan dowlado kale.

Related posts

RW Xamse oo kulan dadweyne kaga jawaabay Su’aalo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada : Qaraxii lagu Dilay Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda dil qorsheesan oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---