Milatariga Israel oo si jees jees ah uga hadlay hadlay weerarka caawa lagu isbitaalka Gaza ayaa sheegay inaysan wax tafaasiil ah ka hayn duqeynta isbitaalka.
Afhayeenka ciidamada Israa’iil Daniel Hagari ayaa sheegay in weli aysan jirin wax tafaasiil ah oo ku saabsan dhimashada ka dhacday isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza.
“Waan heli doonaa faahfaahinta, waxaanan u soo bandhigi doonaa dadweynaha. Ma garanayo inaan sheego inay ahayd duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay geysatay ” ayuu yiri.
Daniel Hagari oo mar dambe hadlay ayaa sheegay inkiray iney ciidankooda ka dambeeyeen duqeyntaas
Waxa uu xusay in gantaallo badan oo laga soo ganay Gaza ay kasoo dhacayeen agagaarka Isbitaalka al-Ahli markii la weeraray, isagoo ku dooday in gantaal ka khaldamay Islamic Jihaad uu ku habsadey isbitaalka.
Hase ahaatee dadka falanqeeyaa ayaa sheegaya in kooxaha falastiiniyiinta aysan heysan gantaalo iyo hub sidaas wax u gumaada.
Maamulka Isbitaalka ayaa duqeynta ka hor warbaahinta la wadaagay digniino ka soo gaaray ciidamada Israel oo sheegaya iney ka baxaan Isbitaalka, taasoo meesha ka saaraysa marmarsiyaha ay keentay Israel.
Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in duqayn cirka ah Israel ay caawa la beegsatay Isbitaalka magaalada Gaza oo ay ka buuxaan dhaawacyo iyo Falastiiniyiin kale oo magan u raadsaday
Waxaa halkaas ku dhintay boqolaal qof waxaana weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay Israa’iil ka geysato Gaza taariikhda.
Sawirro laga soo qaaday isbitaalka al-Ahli ayaa muujinayay dab qabsaday hoolka isbitaalka, muraayadaha oo burburay iyo qeybaha jirka dadka oo daadsan goobta. Wasaaraddu waxay sheegtay in ugu yaraan 700 oo qof la dilay.
Dhowr isbitaal oo ku yaalla magaalada Gaza ayaa noqday goobo ay gabaad ka dhigtaan boqollaal qof, iyagoo rajeynaya inay ka badbaadaan duqeymaha ka dib markii Israa’iil ay amar ku bixisay dhammaan dadka deggan magaaladaas iyo deegaannada ku xeeran inay u guuraan dhanka koonfureed ee Marinka Gaza.