Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey duqeynta lagu riiqmay ee Isbitaalka Gaza (Daawo Sawirro)

Waxaa sii kordheysa cambaareynta loo jeedinayo weerarkii bahalnimada ahaa ee caawa ciidamada Israel ku duqeeyeen Isbiaalka Al Ahli arab ee magaalada Gaza kaasoo ay ku dhinteen dad tiradoodu ka badan 800 oo qof.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday cisbitaalka Gaza uu ahaa “tusaaleyaashii ugu dambeeyay ee weerarrada Israa’iil ee ka madhan qiyamka aasaasiga ah ee aadanaha.”

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan bini’aadamka inay qaadaan tallaabo lagu joojinayo naxariis-darradan aan horay loo arag ee Gaza,” ayuu Erdogan ku soo qoray bartiisa bulshada ee X.

Masar ayaa cambaareysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday isbitaalka al-Ahli Arab ee Gaza, waxayna ku tilmaantay “mid halis ah oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada”.

“Weerarkan ula kac ah ee lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah waa xad-gudub khatar ah oo ka dhan ah qiyamka aasaasiga ah ee aadanaha,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Heyadda caafimaadka QM ee WHO ayaa sidoo kale si kulul cambaareysay weerarkii dhimashada badnaa ee lagu qaaday isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza

Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa cambaareeyay weerarka dhimashada badan dhaliyay ee lagu qaaday Isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza.

Qoraal uu soo dhigay barta X oo hore u ahaan jiray Twitter) ayaa Tedros Adhanom Ghebreyesus wuxuu ku baaqay ilaalinta degdega ah ee dadka rayidka ah iyo amarada daadgureynta Israa’iil in la joojiyo.

Qatar ayaa sidoo kale cambaareysay weerarka Israel ee isbitaalka Gaza oo ay ku tilmaantay mid khatar ah’

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa bayaan ay soo saartay si kulul ugu cambaareysay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay ku qaadday isbitaal ku yaalla Gaza oo ay ku dhinteen boqolaal qof oo rayid ah.

“Balaarinta weerarrada Israa’iil ee marinka Gaza oo ay ku jiraan isbitaallo, dugsiyo, iyo xarumaha kale ee dadweynaha waa koror khatar ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wakaalada wararka ee Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas uu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah kadib duqeyntii Israa’iil ay ka geysatay cisbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza.

Dhinacyo kala duwan oo siyaasadeed ayaa sidoo kale ugu baaqay Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed inay sameeyaan shaqo joojin ganacsi maalinta Arbacada si ay uga mudaaharaadaan weerarka dhimashada badan leh ee Israa’iil ay ku qaaday isbitaalka.

 

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya israsaaseyn dhimasho sababtay oo ka dhacday Hargeysa

Caydiid Ali

Digniin adag oo loo diray Ciidamada Dowlada ee rasaasta ku fura dadka shacabka ah

Cabdi Cade

Maxaa ka jira inuu dib u dhacay shirkii beri loo balansanaa ee madaxda DF & D/Goboleedyada?

Caydiid Ali