Ugu yaraan 500 oo qof ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo caawa Israa’iil ku qaaday Isbitaalka Gaza sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka falastiiniyiinta.
Xukuumadda Gaza ee Xamaas ayaa weerarka ku tilmaantay “dambi dagaal”.
“Isbitaalku wuxuu hoy u ahaa boqollaal bukaan iyo dhaawac ah, dadkuna waxay si xoog ah uga barakaceen guryahoodii sababtoo ah weerarrada kale ee Israel” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Isbitaalka Gaza ee la weeraray wali wuu gubanayaa” ayuu yiri agaasimaha caafimaadka Falastiin oo intaas ku daray in xaalad cakiran ay ka jirto goobta.
Hassan Khalaf, oo ah agaasimaha caafimaadka Isbitaalka Al-Wafa ee magaalada Gaza, oo qiyaastii hal kilomitir u jira Al-Ahli Arab, ayaa sheegay in isbitaalku wali uu gubanayo” kadib weerarkii Israa’iil.
Khalaf oo la hadlay Al Jazeera ayaa sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen duqeymaha joogtada ah ee Israel, mana jirto meel ammaan ah oo hartay. “Xaggee la aadaa?” ayuu weydiiyey.
Ilaa 3,000 oo qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ka geysatay marinka Gaza tan iyo markii uu dagaalku qarxay 7-dii Oktoobar. sidoo kale In ka badan 1,400 oo qof ayaa lagu dilay Israa’iil.
Dr Hussam Abu Safiya, oo ah madaxa caafimaadka carruurta ee isbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga Gaza, ayaa sheegay in duqaynta isbitaallada ay tahay mid aan laga fiirsan marar badan soo laalaabatay.
“Waxaan u dagaalamaynaa inaan badbaadino carruurta dhaawacan, hooyooyin uur leh, caruur ayaa halkan ku dhalanaya,” ayuu Abuu Safiya ku yiri hadal uu soo saaray kaddib weerarkii isbitaalka Al-Ahli Carab.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA