Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas soo bandhigtay Haweeney ka tirsan Maxaabiista Yuhuuda ah (Sawirro)

Hooyada dhashay gabar yar oo Israa’iili ah oo ay gacanta ku hayaan Xamaas ayaa codsatay in la sii daayo, iyada oo ku tilmaantay qabsashada ilaa 200 oo la haystayaal ah oo kooxda falastiiniyiintu ay hayaan Dambi ka dhan ah bini’aadminimada.

Garabka militariga ee Xamaas ayaa sii daayay muuqaal muujinaya Mia Schem, 21 jir ah oo gacanta uga duuban tahay faashado ka dib dhaawacyo soo gaaray.

Waxay ahayd calaamadii u horreysay ee nolosha mid ka mid ah la haystayaasha tan iyo markii Xamaas Gaza ay galeen xuduudka Israel 7-dii Oktoobar, oo ay ku dileen in ka badan 1,400 oo qof gudaha Israa’iil.

“Ma garanayn inay dhimatay iyo inay nooshahay ilaa maanta,” ayey tiri hooyadeed, Keren Schem “Waxa kaliya ee aan ogaa ayaa ah in laga yaabo in la afduubay. Waxaan ka baryaya aduunka inay ilmahayga ku soo celiyaan guriga. Kaliya waxay tagtay xaflad, xaflad festifaal si ay xoogaa madadaalo ah u hesho. Hadda waxay joogtaa Gaza.” ayey intaas ku dartay.

Xamaas ayaa sheegtay iney maalmaha soo socda sii deyneyso muuqaalo kale oo ay ka duubtay la heystayaasha Yuhuuda iyo ajaaniibta kale ee gacanta ugu jira oo tiradooda lagu qiyaasay 250 qof.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa jawaab ka bixiyay muuqaalka gabadha ay soo bandhigeen Xamaas, isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo dhamaan la haystayaasha.

“Ma jirto sabab ay u haystaan ” ayuu yiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka John Kirby.

“Waa muuqaal dacaayad ah oo aad uga badan caddaynta nolosha qof afduyb ku jira. Waa wax laga xumaado in ay dadkan la qafaasho ka dibna ay xayaysiiyaan sida wanaagsan ee ay ula dhaqmaan iyagoo ahaa kuwo markii horeba dhibka u geystay.” ayuu yiri afhayeenka.

 

Related posts

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xero ciidan oo ku taalla Muqdisho

Caydiid Ali

Masuul ka tirsan Maamulka Trump oo isku casilay fadeexad soo wajahday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo arimo Xasaasi ah ka hadlay Fariina u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade