Xildhibaan ayaa waxaa la soo gaarsiiyey fariin ku saabsan hooyadiis oo jiro dhul la taaley iney ku jirto saacadaha ugu dambeeyey nolosheeda, sidaasna loogu wargeliyey inuu u yimaado inta aysan dhiman, wuxuuna xildhibaanku deg deg ugu tegey nin saaxiibkiisa oo ganacsi yar magaalada ku haysta oo uu ka qaato deyman, wuxuuna xildhibaanka uu saaxiibkiis la wadagay murugada la soo deristey, wuxuuna saaxiibkiis uu siiyey xildhibaanka wixii uu deyn ahaan uga baahnaa, wuxuuna u soo jeediyey inuu raacayo oo ku soo cibaadeysanayo inuu hooyadiis la soo duugo.
Xildhibaankii iyo saaxiibkiis ayaa soo dul istaagey sariirta ay xildhibaanka hooyadiis ku sakaraadeysey, waxaana loo sheegay warbixinta dhaqtarka oo ah in hooyadu silicsanayd oo aysaan jadiinkeeda wax badan ka degeynin, calooshuna aysan socon, ayna ahayd mar hore in loo baahnaa in la siiyo qudaarta cagaaran iyo miraha furutooyinka, intaasna kadib ayaa xildhibaankii u cararay dhanka dhaqtarka, saaxiibkiisna u cararay dhanka suuqa isagoo ka doonay qudaarta cagaaran, wuxuuna ka soo helay wax cagaaran kabsarcaleen, wuxuuna u shiidey hooyada xanuunsaneyd oo uu cabitaan ahaan u siiyey, nasiibdaro marka uu xoogaay wax yar uu ku dirqiyey iney cabto ayaa hooyadii waxaa ku timid xaalad naf ka bixida.
Waxaa hooyada loola cararay isbitaalka oo ay horay u wada joogeen xildhibaanka iyo dhaqtarka daweynayey hooyada xanuunsan, balse waxaa dhacday iney hooyadii ku geeriyootey isbitaalka, dhaqtarkuna uu cadeeyey kabsarcaleen la siiyey iney ku mergetey oo cunaha neef mareenka ah ay ka xirtay, waxaana islamarkiiba soo boodey saaxiibkiis oo xildhibaanka u sheegay inuu hooyadi cabsiiyey kabsarcaleenta shiidan sida dhakhtarkuba uu ku taliyey, waxaana dhacdadaas aad uga xanaaqey xildhibaanka oo saaxiibkiis ku yiri kabsarcaleen waa carfiye la mida xawaajiyada ee khudaar la cuno ma ahan ee wajigeyga ka hortag inkaar hagu dhacdee, wuxuuna saaxiibkiis dib ugu noqday meheradiisa meesha xildhibaankii uu u qaaday warbixinta dhatarka iyo qiraalka uu ka qoray saaxiibkiis si dhacdadaas looga diiwaan geliyo saldhiga booliska.
Saaxiibkii oo xaruunta ganacsigiisa iska dhex jooga ayey booliis hubeysan ugu soo dhex daateen, kadibna ka xireen labada gacmood iyo labada lugood, waxeyna u kaxeysteen saldhiga booliska oo sawiro iyo wareysiyo looga qaadayo, waxaana si deg dega u soo baxaday in saaxiibka xildhibaanka lagu soo eedeeyey inuu geystey dil qorsheysan, ahaana nin ka baxsaday goobta uu ka geystey faldambiyeedka, waxeyna boolisku intaas sii raaciyeen in ninkaan loo heysto inuu yahay dilaa arxandaran oo waayeelka aan isdifaaci karin uu naftooda dhaafiyo, waxeyna boolisku shaki ka muujiyeen inuu dhibaneyaashiisa dilkooda u adeegsado sun uu cuntada ugu daro, wuxuuna saaxiibkii xildhibaanka uu hal mar ka qowmameeyey shaleytada uu ka qabo in haddii uusan kheyr sameyn lahayn ineysan shar u imaan lahayn.
Sheekadii ayaa qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinada, waxaana ninka sawirkiisa la soo dhigay meel walba, iyadoo ay habraha waayeelka ah ay araga sawirkiisa ka qaadaan sas, ayana nacalad iyo habaar isugu daraan, ayaa haddana waxaa goobaha dagaalka lagula jiro xagjiriinta ka soo baxay wiil mujaahida oo ay dhashay hooyada dhimatay oo hubka fudud nuucyadadiisa kala duwan ay ku raran yihiin, wuxuuna yimid saldhiga uu ku xirnaa dulmanaha dhiban, wuxuuna wacad ku maray inaan hooyadiis la duugeyn ilaa lala duugayo ninka u xiran dilkeeda, waxeyna saraakiisha saldhiga ku qanciyeen mujaahidka in ninkaan cadaalada la marsiinayo oo xukunkiisu noqonayo dil toogasho ah.
Waxaa warbaahinta qabsatay borobagaando ninka dulmanaha ah loogu ekeysiiyey bahal arxandaran oo aan mudnayn inuu sii noolaado ama bulshada ku sii dhex noolaado, waxeyna mararka qaar warbaahinadu tebinayeen heeso hanjabaada oo ay ka mid yihiin: Eedeysanow waa lagu og yahay, waana lagu abaalmarin…, iyo heesta samadiidow dibinbaa kuu dhigan lagugu dili doonee….. oo ay weliba haweenka hoboladu qirro iyo jiib isugu tumayaan iyagoo isruxaya, waxaana sidoo kale madaxda laga gaday beenabuurkaas la dhoodhoobay, isla markaasna cadaadis lagu saaray in dalacsiin derejo iyo deeq lacageed la isugu daro abaalmarinta la siinayo halyeeyada amniga dadka iyo dalka difaaca ugu jira.
Ninka xiran ehelkiisii oo aan wax wara ka hayn meesha uu ku xiran yahay ayaa tegey saldhiga booliska, waxeyna weydiiyeen meesha uu ku sugan yahay ninka ka xiran, waxaana ehelka loo sheegay in dilaagaas xalista badan la geeyey meel aan cidina ogayn, waxeyna ehelkii ku adkeysteen iney rabaan iney arkaan oo ka wareystaan xaaladiisa, taasna waa laga diidey, waxeyna yiraahdeen kelitaliskii dalka xukumeyey ayaa wax walba lagala xaajoon jirey, adinka oo ah dowlad dimoqaraadiya oo ay tahay inaad dhowrtaan xuquuqda dadka rayidka ah miya qaadanaya qadiyad ka liidata midii diktatoorka.
Saraakiisha saldhiga oo aad u xanaaqsan ayaa u sheegey ehelka uu ninka ka xiran yahay in uu dalku ku jiro dagaal oo madaxda ay ku dhawaaqeen inaan la soo daba geli karin eedeysane halis badan oo ay dowlddu ku soo qabatay gacan bir ah, waxeyna ay ehelkii hadalka saraakiisha u qaateen in dalku galay marxalad ka dhigeysa inuusan ahayn dimoqaraadi ama diktatoriyad midna, balse habdhaqanka xaaladda dagaalka uu ka qalafsan yahay xukunka diktatoriyada, taas oo sharciga ka dhigeysa in sida la doono loo jiifin karo ama loo joojin karo inta ay jirto marxaladaas, waxeyna sidoo kale ay saraakiishu u xaqiijiyeen ehelada ninka xiran in dowladdu ay dagaal kula jirto sharta, saraakiishuna ay indhaha ku hayso dabagalka sharta, sidaasna waxey diginin ugu soo jeediyeen iney meesha isaga tagaan oo ay iska hilmaamaan badigoobka ay ugu jiraan ninkaas dilaaga ah halista badan, haddii kale uu raad dabagala u soo geliyo iyaga inta ay raadineyaan kheyr aan samafalkiisu xiliga dagaalka uusan melena uga jirin.
Dulmanihii oo bilooyin ku soo rafaaday silaca uu ugu soo jirey xabsiga ayaa ugu dambeyntii waxaa la soo taagey maxkamad, isagoo wax walba oo beenabuura oo laga soo qoray qirsan si uu uga gudbo silaca xabsiga lagu soo marsiyey, wuxuuna garsoorku u sheegay edeysanaha in haddii uu qirto qoraalada laga soo saxiixay uu ku muteysan karo ciqaab dila, wuxuuna dhibanuhu garsooraha uu u sheegay in wax walba ee laga soo qoray ay sax tahay oo uusan ka qabin wax dooda, waxaana islamarkaas kadib si deg dega codsi wadatashi gaara iskula baxay qareenka dhebanaha, qareenka eedeysanaha, iyo garsoorka, waxeyna heshiis ku wada qaateen in ninka diyo lagu xukumo oo toogashada laga joojiyo, sidaasna looga leexdo dilka lagu muujinayo ku tusaale qaadashada ay madaxdu rabto.
Qareenada iyo garsoorka ayaa waxey istuseen inaan ninkan dilkiisa aysan wax faa’iido ah aysan iyaga ugu jirin, balse dilkiisa ay madaxda u tahay dhiirogelin ay marna shacabka hal dhinac ugu tusayaan waxqabadka dowladda, marna dhinaca kale ay ugu muujinayaan ciqaab ay ku cabsigeliyaan dadka, sidaas daradeedna in sida ay maslaxadoodu ku jirto in xukunka lagu soo dhameeyo, taas oo ah in xoolaha diyada laga soo xareeyo qeyb duco ah laga siinayo garsooraha, qarashka maxkamadana laga bixinayo, lacagta labada Qareena laga bixinayo, hogaamiye dhaqameedka labada dhinacna xaqooda laga siinayo, inta yar ee soo hartayna la sii xildhibaanka iyo mujaahidka ka halista badan ninkaan dilaaga ah, waxeyna sidaas ay isugu qanciyeen in xoolahaas intooda badan ay iyagu iska leeyihiin, waxeyna taas bedelkeeda isku raaceen iney siiyeen dhibanaha iyo edeysanaha cadaalad ay ku wada qanacsan yihiin.
Ninka xirnaa ayaa laga bilaabay in la xaraasho xoolihiisa, wixii ka dhimanaa diyadana waxaa xoog looga faramaroojiyey eheladiisa oo aan xoolo badan lahayn, waxaana ugu dambeyn la sii daayey ninka xirnaa oo faqri ah, sumcadiisa dadnimana la karaamo tiray oo ay ku adag tahay sida uu ugu dhex noolaan lahaa bulshada uu ku soo dhex barbaaray, kuwaas oo inta badan aaminsan borobagaandadii lagu magac tiray oo meel walba lagu baahiyey, wuxuuse la yaabaay markii uu soo baxay inuu arkay xildhibaankii oo gaari qurxoon ku socda, mujaahidka walaalkiis ahaa oo ganacsi uu leeyahay dhexda ka fadhiya, saraakiishii soo xirtay oo darajooyinkooda aad loo dalcsiiyey, iyo kheyrkii uu falay oo jasadeedu noqotay inuu ciqaab daran ku muteysto.
Madaxda dowladda waxey ku qanceen in warbixinada loo soo gudbiyo ay tahay xaqiiq run ah, islamarkaasna waxey bogaadiyeen tilaabada ay qaadeen hawlwadeenada dowladda, waxaana dhanka kale aad ugu liibaaney darajo ahaan iyo deeq haanba hawlwadeenada dowladda oo ku qiiroodey sida ay ugu guuleysteen iney shirqooladooda ay uga gadan iney rumeystaan madaxda dowladda, waxaana sidoo kale meel fog ka dhoolocadeynaya kuwo sharta iyo xaasidnimada maleegideeda ku raaxeysta oo ku nafisa sharta ay abuuri karaan waxyeelada baaxada weyn oo ay geysaneyso, waxeyna kuwaan dambe ay inta badan isbarbardhigaan iney ka waxyeelo badan yihiin sharta Shabaabka, waxeyna taas ay abaalmarintooda ugu helaan maalgelin shisheeye oo ay ku bahoobeen sharwadeyaalnimadooda.
Dulmanahaas dhibanaha u noqday dembi uusan galabsan sow dacar ugama qaraara marka uu maqlo waxyaabaha lagu dulmay sida islaanimo, Soomaalinimo, garsoor xaqa, xuquuq iyo xoriyad wadani, mujaahid xaq u dirira, xildhibaan xuquuqaha iyo xoriyadaha dadka u doodaya, difaac sharci oo qareeno daacada loo adeegsado, madax xambaarsan magangelinta masuuliyada dadka, ilaalinta amni ay dhowrto saraakiil dalacsiin derejo ku doonaysa iney u hiiliso dulmi ay deeq ku helaan, cibaadeysi kheyr loogu samafalayo oo abaalmarinteedu shar tahay, waxaa sharta shabaab la diriraya kuwo waxyeeladooda ay shacabka uga shar badan yihiin. Yaan la rumeysan dulmiga lagu hayo dadka masaakiinta ah oo dhibaateyntooda lagu doonayo in madaxda dowladda looga helo dalacsiin derejo iyo in kalsooni badan looga abuurto.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com