Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Koox sheegatay dilal dad ajnabi ah loogu geystay Magaalada Boosaaso

Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda toogasho xalay fiidkii ka dhacday xaafad ku taalla magaalada Boosaaso oo loo gaystay 4 qof oo Oromo ahaa, halka laba kalena la dhaawacay.

Daacish ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegteen dilka dadkan ay ka dambeeyeen koox hubeysan oo iyaga ka tirsan, kuwaasoo ay tilmaameen inay si nabad gelyo dilka kadib goobta uga baxsadeen.

Masuuliyiinta Boosaaso ayaa ayaa sheegay in raggii dilka geystay ay baxsadeen, balse ay jiraan howlgalo ay wadaan ciidamada ammaanka oo lagu baadi goobayo.

Qoraalka Daacish laguma xusin sababta ay kooxdan u leysay dadkan Oromada ah oo ka mid ahaa boqolaal Itoobiyaan ah oo ku nool magaalada Boosaaso, kuwaasoo ku nool duruufo adag.

Qaar ka mid ah dadkan itoobiyaan ah ee ku nool Boosaaso ayaa halkaas ka raaca doonyo tahriib ah iyagoo nolol ka raadinaya dalalka Khaliijka, halka qaar kalena ay shaqooyin hoose ka qabtaan Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabsi laga qabo inuu faafo Cudurka Ebola ee ka dilaacay Ugandha (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaano raadinaya xilal Wasiir oo buux dhaafiyey Madaxtooyada Soomaaliya

Caydiid Ali

Markab shixnad milateri u wada israel oo ku xirtay Masar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---