Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qeyb galay munaasibada xadhig ka jarka dhismayaasha lagu soo kordhiyey dugsiyada waxbarashada oo ka qabsoontay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ku boggaadiyey hanaanka quruxda badan ee nuxurka lagu soo koobay ee wakhtigana lagu ilaaliyey waxaanu yidhi madaxweynuhu
“Horta waxaan wasaaradda ku hambalyeynayaa inay wasaaradaha iyo hay’addaha kale baraan in marka shir la qabanaayo nuxurka uun laga raaco oo wakhtiga la ilaaliyo oo lasoo koobo, wasaaraddii tacliinta ayaad noqoteenoo aqoon baad u bilowdeen wasaaradihii kale, kuwa kalena waa inay idinku raacaan dhammaantood iyo dawladaha hoose, hay’addaha madaxa banaan waa in qaabkaa loo shaqeeyaa aad iyo aad baan idiinku hambalyeynayaa”.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Wasaaradda uga mahadceliyey hirgelinta dhismayaasha cusub iyo dhiirigelinta Farsamada gacanta “Waxaan u mahadnaqayaa Wasaaradda dhismahan badan ee ay dhamaysay siday ugu jeedisay Aqoontii in loo wareego dhinaca Farsamada gacanta oo Artiiskii badnaa ee la baranaayo laga baxo, sannadkii dhawayd markii ugu horaysay 150-arday Xirfadlayaal ah ayaa waxbarasho u tegay dibada oo isgu jira Master, Degree, Diploma oo ka kooban inta aynu u baanahay, Xoola-dhaqasho, Beero, dhisme iyo adeeg, adduunku maanta adeeg bu u guuray oo lacag laga helaa”.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in lacagta ku baxday dhismayaasha cusub ee waxbarashada inta ugu badan ay bixisay dawladdu “tan aynu maanta u joognaa waa 130 dhisme lacagta ku baxday waa 6500,000 oo dollar (Lix milyan iyo shan boqol oo kun oo doollar) Lacagta intaa leeg 4500,000 Somaliland ayaa bixysay, Somaliland markay isu tagtay waxaan u arkaa inay tahay tallaabo aad u weyn marka itaalkeena dhaqaale loo eego, waxaanan ku rajo weyn-nahay inaan sannad walba kordhino oo wax ku darno si aynu u hanano halka aynu la doonayno Tacliinteena”.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com