Allbanaadir.com
NEWS

Nin Carab ah oo toogasho lagu dilay Taageerayaal Kubadda Cagta ka geestay Brussels

Magaalada Brussels ee caasimadda dalka Biljamka waxaa xalay ka dhacay toogasho loo geestay dad ay ku jiraan muwaadiniin kasoo jeeda dalka Sweden, kuwaa oo doonayay in ay soo daawadaan ciyaar kubadda cagta ah.

Toogashada ayaa ka dhacday meel ku dhaw garoonka King Baudouin Stadium oo ay ku ballansanaayeen in ay kuwada ciyaaraan labada xul ee Sweden iyo Biljamka, ciyaartaas ayaana sababtay in dib looga dhigo xilli la ciyaari lahaa.

Inta la xaqiijiyay labo qof uu u dhalatay Sweden ayaa lagu dilay toogashada, waxaana labada qof ee la dilay xirnaayeen funaanada qarankooda ku ciyaaro, waxaab sidoo kale weerarka lagu dhaawacay dad kale.

Ra’sul Wasaaraha dalka Biljamka ayaa sheegay in weerarka uu geestay nin carab ah oo kasoo jeeda dalka Tunuusiya, waxa uuna xusay in ninka dilka geestay uu dalkaasi kusoo galay sifo sharci darro ah.

Ciidamada ammaanka ayaana ku guuleestay in ay soo qabtaan ninka weerarka geestay oo magaciisa lagu sheegay Abdesalem Lassoued, oo 45 sanno jir ahaa, ninkan ayaana la qabtay xilli uu isku dayay in uu baxsado.

Weerarkan ka dhacay caasimadda dalka Biljamka ayaa sababay in ciidamo badan lagu soo daadiyo caasimadda , si ay ammaanka u adkeeyaan, waxaana la xiray goobo ganacsi iyo goobo kale oo muhiim ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaari nooca xamuulka ah oo dad badan ku laayey isgoys ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Cali Yare Cali oo jawaab culus ka bixiyey hadal ka soo yeeray C/raxmaan C/shakuur

Caydiid Ali

Raila Odinga oo loo dhaariyay Madaxweynaha Dalka Kenya (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---