Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in beri oo Arbaco ah tago Israel, si uu ugu muujiyo taageero iyo garab istaag, kaddib weerarkii dhiiga badan ku daatay ee Xamaas ku qaaday dhulka Israel maamusho.
Joe Biden ayaana kulan gaar ah la qaadan doona Ra’isul Wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu , waxa ayna labada hoggaamiye kawada hadli doonaan dagaalka ka socda Gaza iyo sidii Mareykanka taageero dheeraad ah u siin lahaa Isreal.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Biden ayaa booqashadiisa Israel kaddib la sheegay in uu usii gudbi doono Boqortooyada Cuman, waxa uuna halkaasi kula kulmi doonaa Boqorka dalkaasi Cabdalla Al-Thani.
Dalka Cuman ayaa sidoo kale la sheegay in ay tagi doonaan madaxweynaha dalka Masar Cabdicasiis Al Sisi iyo madaxweynaha maamulka Falastiin, waxa ayna labadan hoggaamiye halkaasi kula kulmo doonaan madaxweyne Biden.
Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaana Isreal ku taageeray duullaanka ay ku qaaday Gaza, waxa ayna Mareykanka u direen Israel Maraakiib dagaal iyo sidoo kale saanad ciidan oo aad u badan.
Mareykanka ayaana raba in xal loo helo hadda colaada dhiiga badan ku daatay ee ka socda agaalada Gaza, waxa uuna Mareykanka raadinayaa dalal Carbeed oo qeyb ka noqon kara xal u helida xaalada faraha kasii axeysa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com