Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Falastiin kana hadashay weerarada Isreal

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa magaalada Baqdaad ee waddanka Ciraaq uga qayb galay meertada 39aad ee shirka waasiirada cadaaladda ee wadamada carabta oo furmay maanta.

Wasiirka oo shirka ay ku wehlinayeen Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Mudane Suleyman iyo xubno kale ayaa hadalkiisa ku xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in iskaashi Garsoor iyo Cadaaladeed ay la yeelato wadamada jaamacada Carabta,

Xasan Macalin Maxamuud wasiirka Caddaaladda Soomaaliya ayaa qiray in dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay qadiyada Falastiin, ayna ka xuntahay weerarada arxan -darada ah iyo barakicinta lagu hayo shacabka Gaza.

Wasiirka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay guulaha waaweyn ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka Al Shabaab, deegaanno badan oo laga xoreeyayna la gaarsiiyay adeegya garsoor iyo cadaaladeed, waxuuna dhammaan wadamada uga mahad celiyay taageeradooda buuxda ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada ciidanka qalabka sida oo xukun adag ku riday askari dhac ka geystay Masaajid (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Iran oo fashilisay Weerar Diyaarado kusoo qaadeen Warshad Hubka lagu farsameeyo

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo si kulul uga jawaabay eedeyn kaga timid C/wali Gaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---