Allbanaadir.com
NEWS

Agaasimihii Somali Cable TV oo ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Allaha u naxariiatee waxaa caawa qarixii maqaayadda Blue Sky ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Agaasimihii Tv-ga Somali Cable Cabdifataax Macalin Nuur Qeys.

Sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa iyo saaxibadiis wuxuu ku sugnaa maqaayadda uu qaraxa ka dhacay gudaheeda.

Waxaa sidoo kale qaraxaas ku dhintay dhowr qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad kale oo lagu qaaday gaadiidka Ambalaasta, kuwaasoo ula cararay goobaha Caafimaadka.

Wararka ayaa sheegaya in qof waxyaabaha qarxa soo xirtay uu isku qarxiyey dad fadhiyey banaanka maqaayada oo halkaas isaga fiidsanayey.

Maqaayaddaan waxay u dhexeysaa laba Bar koontarool ee ciidanka madaxtooyada oo kala ah midka Godka Jilacow iyo Xaawa Taako waana meel aammaankeeda aad u adag yahay inkastoo dadka lugta ku socda aan la baarin.

Laamaha amaanka DF ayaan welki wax war ah ka soo saarin qaraxan.

Related posts

Itoobiya ayaa Saddex sharuudood ku xirtay inay wadahadal la gasho kooxda TPLF

Caydiid Ali

DEG DEG: C/casiis Afrika Agaasimihii radio Muqdisho oo ku geeriyooday qaraxii caawa

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay Magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Isbitaalka Baledweyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---