Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Martin Griffiths “Israel Waa iney u hogaansantaa sharciga caalamiga ah”

Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa sheegay in loo baahan yahay gargaar si loo taageero hal milyan oo falastiiniyiin ah oo u qaxay koonfurta Gaza.

Waxa uu ku eedeeyay Israa’iil inay ku guul-darraysatay inay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, Wuxuu sheegay in dadka rayidka ah ay tahay inay si nabad ah ku socdaan oo aan la weerarin.

Mr Griffiths ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Israa’iiliyiinta ay gacanta ku hayaan Xamaas. Afduubkooda ayuu ku tilmaamay mid sharci darro ah oo anshax xumo ah.

Dhinaca kale. In ka badan 1,000 qof ayaa lagu la’yahay burburka dhismayaal ku yaalla Gaza oo ay burburiyeen duqeymaha cirka ee Israa’iil, sida ay sheegeen kooxda difaaca rayidka ee Falastiin.

Waxaa jira dhaawacyo iyo dhimasho ka mid ah dadkaasi, kooxda ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay, waxayna intaa ku dartay in dad kale oo badan ay nolol ka soo saareen burburka, 24 saacadood ka dib dhismayaal la weeraray.

In ka badan 2,670 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza iyadoo ugu yaraan 9,600 ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 50,000 oo haween uur leh oo ku nool Gaza aysan awoodin inay helaan adeegyada caafimaadka aasaasiga ah

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 50,000 oo haween uur leh oo ku nool Marinka Gaza ay la halgamayaan sidii ay u heli lahaayeen daryeelka caafimaadka hooyada ee aasaasiga ah 5,522 ka mid ahina ay umuli doonaan bisha soo socota.

 

Related posts

Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Wasaarada Amniga oo Faah faahin ka bixisay

Cabdi Cade

Wadamo Reer Galbeed oo Raali galin siiyay Turkiga iyo Erdogan oo ka laabtay Amar uu bixiyay

Cabdi Cade

Mo Farah oo guuldaro lama filaan ah ka keenay orodka Maratonka London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---