Allbanaadir.com
NEWS

Pakistan oo sheegtay in Israel aan looga hari doonin xasuuqa ay ka wado Gaza

Sii hayaha xilka Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Jalil Abbas Jilani ayaa cambaareeyay duqeynta Israa’iil ay ka wado marinka Gaza ee la go’doomiyay, isagoo ku tilmaamay falalkaasi mid “xasuuq ah”.

“Tani waa dhibaato bini’aadantinimo, xaalad la mid ah xasuuq. Dhab ahaantii, waa xasuuq ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin,” ayuu yiri Jilani.

Wuxuu intaas ku daray in mowqifka Pakistan ee taageeraya qadiyadda Falastiin uu ahaa mid joogto ah sannadihii la soo dhaafay, wuxuuna ku booriyay Israa’iil inay ixtiraamto dhammaan shuruucda caalamiga ah iyo sidoo kale qaraarrada Qaramada Midoobay ee Falastiin, kuwaasoo aqoonsanaya xaqa ay u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.

Pakistan ma aqoonsana dawladda Israa’iil, waxayna taariikh ahaan sheegtay in dhulka Falastiin ee la haysto ay tahay in la banneeyo iyadoo la raacayo go’aannada Qaramada Midoobay ee ku saabsan in la helo laba waddan oo Falastiin iyo Israel.

Hadalka Jilani ayaa daba socday mudaaharaadyo kala duwan oo dalka Pakistan oo dhan ka dhacay kuwaas oo lagu cambaareeyay weerarrada Israel ee Gaza iyo go’doominta, kaas oo ilaa hadda ay ku dhinteen in ka badan 2,750 qof gudaha Falastiin.

Related posts

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray Hotel SYL iyo rag hubeysan oo galay

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya sababta barakacayaasha xoogga looga saaray Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo sheegtay in boqol dagaalyahan lagu dilay weerarkii Galcad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---