Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Putin oo talaabadii u horeysay qaaday & Wararkii u dambeeyey dagaalka Falastiin

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la hadlay dhowr hoggaamiye maanta, kuwaasoo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi sida uu sheegay afhayeen u hadlay Kremlinka.

Putin ayaa horey ula hadlay madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad iyo madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi oo saaxiibo dhow la ah Ruushka.

Wicitaankiisa Netanyahu ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dhexmara hoggaamiyeyaasha tan iyo markii Xamaas ay weerar ku qaadday gudaha Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Hadalkiisii ugu horreeyay ee ku saabsan iskahorimaadka, Putin ayaa usbuucii hore ka dhawaajiyay walaac ku saabsan kordhinta masiibada ee tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Israa’iil iyo Marinka Gaza.

Waxa kale oo uu sheegay waxa ka socda Israel iyo Falastiin ay astaan u yihiin fashilka siyaasadda Maraykanka ee Bariga Dhexe isagoo Washington ku eedeeyey iney ku guul daraysatay tixgelinta baahida Falastiiniyiinta.

Dhinaca kale, heyadda Caafimaadka QM ee WHO ayaa soo saartay digniinteedii ugu dambeysay ee ku saabsan xaaladda bini’aadantinimo ee sii kordhaysa ee Marinka Gaza, iyadoo sheegtay in biyo, koronto iyo shidaal ku filan 24 saacadood oo kaliya ay harsan yihiin” ka hor inta aysan dhicin “masiibo dhab ah”

Agaasimaha Gobolka ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee Bariga Mediterranean-ka Axmed Al-Mandhari ayaa sheegay in dhulka la duqeeyay ee la go’doomiyay ay tahay in loo ogolaado inay helaan kolonyada gargaarka ah ee hadda ku xayiran xuduudka Rafax ee dalka Masar.

Haddii gargaarku iman waayo, dhakhaatiirtu waa inay u diyaariyaan shahaadooyinka dhimashada bukaannadooda”, ayuu yiri Axmed Al-Mandhari.

Dhinaca kale, Seeriyada digniinta gantaallada ayaa laga maqlay magaalada Tel Aviv ka dib weerar gantaalo ah oo ay soo qaaday Xamaas.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa labaduba beeniyay wararka sheegaya xabbad-joojin ka socota koonfurta Qaza ka dib markii ilaha ammaanka ee Masar ay sheegeen in heshiiskan la gaaray.

Sidoo kale, Israa’iil ayaa kumanaan askari, taangiyo iyo hub geysay xayndaabka soohdinta ay la wadaagto Gaza, iyadoo la filayo in dhawaan ay billaabato duullaan dhanka dhulka ah.

Khubarada ayaa sheegaya in haddii Israa’iil sidii la filayey ay ciidamo dhulka ah u soo dirto marinka Gaza ee la go’doomiyey, inay ka jawaabi doonto dhibaato kasta oo soo gaarta dadka rayidka ah.

“Israa’iil waxay mas’uul ka tahay Marinka Gaza. Waxay mas’uul ka tahay dadka deggan Gaza. Hawlgal kasta oo socda waa inuu taas ku xisaabtamaa,” ayuu yiri HA Hellyer, oo ku takhasusay amniga caalamiga ah kana tirsan heyadda Carnegie Endowment for Peace International.

Hellyer waxa uu sheegay in ka saarida Xamaas ee Marinka Gaza aanay fududayn oo ay ku iman doonto kharash aad u badan burbur ana la qiyaasi karin iyo nafaf badan oo la waayo.

Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa dib ugu laabtay Israa’iil, kaddib markii uu socdaal ku maray lix waddan oo ku yaalla bariga dhexe.

Antony Blinken, oo ku sugnaa Tel Aviv Khamiistii, ayaa la filayaa inuu mar kale la kulmo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyo saraakiil sarsare oo kale oo Israa’iil ah.

Wararka ayaa sheegaya in uu sidoo kale wadahadal la yeelan doono hogaamiyaha mucaaradka Yair Lapid, kaas oo go’aansaday in uu ka soo horjeesto ka qaybgalka dawladda degdega ah ee Israa’iil.

Related posts

Ilhan Omar oo mar kale Dood iyo caro ka abuurtay gudaha Mareykanka kadib markii ay ….

Cabdi Cade

Iska Hor imaad goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

admin

Xassan Shiikh oo warqadaha ka gudoomay Safiirada 6 dal (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---