Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo la hadlay ciidan maanta ka soo laabtay tababarkii Eritreya (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Xarunta Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaasoo ay ka socoto dib u soo celinta Ciidamada tababarka ugu maqnaa dalka Eriteriya.

Madaxweynaha oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay, waxaana uu la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka Al-shabaab.

Waxaa uu ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka.

Ciidamada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriya  iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray kuwaasoo soo dhammeystirtay tababarkooda, si degdeg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba.

Dhankooda, Cutubyadan soo noqoshadooda uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay tayada iyo tababarka adag ee ay soo qaateen, waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in loo sii diyaariyey xarummihii ciidan ee ay lahaayeen, saaxiibadii ka soo horeeyey ee dalka soo gaarnay ay ka soo laabteen fasaxyadii, haatanna ay u diyaarsan yihiin gulufkii xoreynta dalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Nin ku eedeysan dilka taksiile Soomaali ahaa oo la soo taagay Maxkamada Trondheim

Caydiid Ali

Wasaaradda Caafimaadka oo Daah-furtay Mashruuc cusub oo UK maalgalineyso (Sawirro)

Cabdi Cade

Maraykanka oo sheegay inuu burburiyey saldhigyo ay laheyd Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---