Allbanaadir.com
NEWS

Abdel-fatah Al-sisi “Falcelinta ciidanka Israel ka wadaan Gaza wey dhaaftay isdifaacid”

Madaxweynaha Masar Abdifatah el-Sissi ayaa u sheegay xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka, in Israel ay u falcelisay si aan isku dheeli-tirnayn, iyada oo qaaday weeraradii cirka ee ugu cuslaa.

“Falcelinta Israell, si weyn ayay uga duwan tahay, xaqa is-difaacidda, waxayna keentay inay si wadar ah u ciqaabto in ka badan 2.3 million oo qof oo ku nool marinka Gaza,” ayuu yidhi madaxweynaha Masar oo shir jaraa’id la qabtay xoghayaha arrimaha debedda.

Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka Antony Blinken ayaa Axaddii sheegay in dib loo furi doono Marinka Rafah ee ku yaalla xuduudda Gaza, kaas oo ay maamusho Masar.

Xoghayaha ayaa sheegay inay kala shaqaynayaan Masar, Israell iyo Qaramada Midoobay, sidii gargaarka loo marin lahaa marin xuduudeedkan.

Boqolaal ton oo gargaar bini’aadannimo ah oo ka kala yimi dalal kala duwan ayaa maalmahanba ku xayirnaa gacanka Siinaay ee Masar, kuwaas oo ka war-sugayey heshiis dhex mara dhinacyada ay arrintani khusayso, si loo helo marin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo, iyo weliba daadguraynta dadka haysta dhalashooyinka ajnebiga ah ee ku xayiran gudaha Gaza.

Masar ayaa sheegtay inay kor u qaaday dedaallada diblomaasiyadeed ee wax lagaga qabanayo ismari-waaga taagan.

Maraykanka ayaa Axaddii u magacaabay David Satterfield inuu noqdo ergeyga Maraykanka ee hawlaha gargaarka bani’aadanimo ee bariga dhexe, isaga oo hoggaamin doona, sidii looga jawaabi lahaa xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan marinka Gaza.

Related posts

Jawaari oo Golaha Shacabka hortiisa uga dhawaaqay in uu is casilay (Akhriso Khudbadiisa)

Cabdi Cade

(Faahfaahin) Dagaal culus oo ka dhacay Masaajid Cali Guduud iyo Sarkaal lagu dilay

Caydiid Ali

Ciidanka Israel oo ka baxay Khan Younis ka dib dagaalo faraha looga gubtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---