Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Joe Biden ka aragaxay dil loo geestay wiil lix sanno jir Falastiini ah

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden iyo xaaskiisa ayaa sheegay in ay si weyn uga argagaxeen dil arxan darro ah oo gudaha Mareykanka loogu geestay wiil yar oo lix sanno jir asal ahaan kasoo jeeda Falastiin.

Nin oday ah oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa wiilkan yar ee Falastiiniga ah ku dilay Sabtidii deegaanka Plainfield oo qiyaastii 65 KM dhanka K/Galbeed kaga toosan magaalladda Chicago ee Gobalka Illinois.

Qoraal uu soo saaray madaxweyne Biden ayuu ku sheegay in falkan argagaxa leh ee ka dhacay Mareykanka uu yahay naceyb ay aad uga naxeen, waxa uuna sheegay in falkan uu yahay mid la cambaareeyo lagana naxo.

Wiilka lix jirka Falastiiniga ah ayaa waxaa dilay Joseph Czuba oo 71 jir ah , ninkan odayga ah oo ka muuqatay Islaam naceyb ayaa wiilka ku dhuftay 26-toorey, halka uu sidoo kale dhaawacyo culus gaarsiiyay hooyada dhashay wiilkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kun qof oo dhimatay & kumanaan kale oo la la’yahay ka dib markii..(Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Xarunta Degmada Howl-Wadaag oo si qurux badan loo dhisay xarigana laga jaray

Cabdi Cade

Maxay yihiin eedeymaha uu Farmaajo u jeediyey Kenya & Madax goboleedyada qaarkood?

Caydiid Ali