Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ka furay Shir arrin muhiim ah diirada lagu saarayo (Sawirro)

Madaxweynaha  Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaaa maanta furay Hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Aqoon is-weydaarsiga hannaanka hiheynta dowladnimada casriga ah oo soconaya labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay wasiirrada iyo xubnaha kale ee ka qeyb galaya aqoon is-weydaarsiga ayaa kula dar-daarmay in ay ka faa’iideystaan, waxa uuna sheegay in loo jiheysto hannaan dowladnimo oo casri ah.

Xasan Sheekh ayaana sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay wado dedaalo badan ayna ku jirto dagaal, sidoo kale ka shaqeeneyso sidii loogu gudbi lahaa uguna shaqeyn laheyd dowladda hannaan casri ah oo la mid ah midka dowladaha horumaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Jiis iyo 50 kale oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Baraagta Gurguurte

Caydiid Ali

Xamaas oo diiday Heshiis Xabbad-joojin iyo Maxaabiis is dhaafsi ah iyo dagaal qaraar oo…

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay C/waaxid Axmed Faarax

Caydiid Ali
Taboola Ads ---