Maxkamadda derajada koobaad ee magaalada Kismaayo ayaa xukun dil ah ku riday Xasan Cabdullaahi Cabdi oo ah 37-sanno jir qurbaha ka yimid, kaa oo magaalada Kismaayo si arxan darro ah ugu dilay hooyadiis Xaliimo Maxamed Cumar.
Qoraal maxkamadda derajada koobaad ee magaalada Kismaayo kasoo baxay ayaa lagu sheegay in eedeysanaha lagu helay dambiga dilka ah uu geestay uuna maxkamadda horteeda ka qirtay in hooyadiis kas u dilay.
Maxkamadda derajada koobaad ee magaalada Kismaayo ayaana dhageysi iyo dood dheer kaddib ku xukuntay Xasan Cabdullaahi Cabdi xukun dil ah oo ah qisaasta hooyadiis Xaliimo Maxamed Cumar .
Dilka ninkan dhaqan-celinta looga soo celiyay qurbaha uu u geestay hooyadiis ayaa dad badan aad uga argagaxeen, waxaana muuqaalka dilkan si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, iyadoona dilaaga sheegay in hooyadiis u dilay si kas ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com