Dalka Mareykanka waxaa ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen , kaddib markii nin waayeel ah Islaam naceyb darteed si arxan darro ah ugu dilay dalkaasi wiilyar oo 6-sanno jir muslim ahaa.
Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay nin 71-sanno jir ah oo lagu eedeeyay in toorey ku dilay wiil yar oo lix sanno jir ahaa, halka uu dhaawacyo culus gaarsiiyay hooyada wiilka yar.
Ninkan oo lagu magacaabo Joseph Chuba, oo 71 jir ah, ayaa la sheegay in lix iyo labaatan jeer toorey ku dhuftay wiilka yar ee Muslim ahaa, kaddib markii wiilkan iyo hooyadiis uu ku weeraray gurigiisa oo ay deganaayeen qoyskan.
Booliiska ayaana sheegay in wiilka yar u geeriyoday dhaawacyada culus ee kasoo gaaray tooreyda tiro beelka ah ee lagu dhuftay, halka hooyada wiilkan oo dhaawacyo culus ku yaallaan iyana lagu daweenayo goob caafimaad.
War kasoo baxay booliiska ayey ku sheegeen weerarkan ka dhacay gobolka Illinois uu salka ku hayo Islaam naceyb, waxa ayna xuseen booliiska in ay wadaan baaritaanno ku aadan kiiskan ay maleenayaan in uu salka ku hayo dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israel.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com