Ciidamada milatariga Israel ayaa isku diyaarinaya weerar dhinaca dhulka ah ay ku galaan Marinka Gaza, si halkaasi uga saaraan kooxda Xamaas ee awoodda badan ku leh magaalada Gaza.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaana qalad weyn oo la galay ku tilmaamay haddii ay ciidamada Israel ay qabsadaan magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa uuna taageeray kaliya in magaaladaasi laga saaro Xamaas ,balse aysan Israel qabsan.
Danjiraha Israel u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay Gilad Erdan, oo ka fal-celiyay hadalka madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sheegay in ujeedkoodu uusan aheyn in ay qabsadaan magaalada Gaza.
Waxa uu sheegay Gilad Erdan in ay u dagaallamayaan siddii ay u jiri lahaayeen, taas oo uu ku tilmaamay inay ku qasbayso inay sameeyaan wax walba oo ay ku baabi’in karaan jiritaanka kooxda Xamaas.
Danjiraha Israel ayaa sidoo kale sheegay in aysan ogaan karin waxa dhici kara maalinta dagaalka kaddib, waxa uuna muujiyay in Israel aysan hadda dan uga jirin in magaalada Gaza la wareegto.
Israel ayaa xoog ku barakicisay dadkii deganaa magaaada Gaza, waxa ayna duqeymo magaaladaaai ku wadaan isbuuc ka badan ku dileen dad shacab ah oo ka badan 2,200 oo qof, halka dhismayaal badana ku bur buriyeen duqeymaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com