Allbanaadir.com
NEWS

Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday deegaan uu ku sugnaa Xildhibaan Jeesow

Dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay uu ku sugnaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Al Shabaab ayaana qaraxyada kaddib la sheegay in weerar toos ah ku qaadeen ciidamo dadka deegaanka ah oo hormuud u ahaa xildhibaan Jeesow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo labada dhinac dhax maray.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in weerarka Al Shabaab uu ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, waxa uuna xusay in ay iska caabiyeen si adagna uga hortageen weerarka kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen.

Waxa uu sheegay in xubno badan ka dileen Shabaabkii xalay weerarka kusoo qaaday, waxa uuna xusay in meydadka kooxdii ay dileen uu wali yaallo deegaanka ayna usoo bandhigi doonaan warbaahinta sida uu tilmaamay.

Dhinaca kale xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in ciidanka deegaanka weerarka uu kasoo gaaray dhaawacyo, waxa uuna tilmaamay in dhaawacyada la geeyay laguna daaweenayo xerada ciidamada Danab ee Balli-doogle kuyaalla.

Deegaanka Yaaqbariweyne oo degto beesha uu kasoo jeedo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa muddooyikii dambe waxaa ka ocday abaabul ay wadeen dadka deegaanka, kuwaa oo doonayay in deegaannada beeshooda ay ka saaraan kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo Dabagal ku sameeneysa Shaqaalaheeda Baraha Bulshada wax uga sheega (Xog Cusub)

admin

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii ka dhacay Duleedka Garawe iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

Madaxweyne Duterte oo bixiyey amar yaab leh oo lagu burburiyey gaadiid qaali ah (Daawo Sawirro )

Caydiid Ali
Taboola Ads ---