Iska horimaadyada xuduudaha ah ee u dhaxeeya Lubnaan iyo Israa’iil ayaa sii xoogeystay, iyadoo kooxda Xisbullah ee Lubnaan ay gantaallo soo ridday, ciidamada Israa’iilna ay kaga jawaabeen duqeyn.
Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale ka warbixiyay toogasho ka dhacday mid ka mid ah xarumaha ay ku leeyihiin xadka.
Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof oo dhanka Israa’iil ah, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo labada dhinac ah.
Ururka Xisbullah oo ay Iran taageerto, isla markaana xulafo la ah maamulka Gaza ee Xamaas, isla markaana ah cadawga weyn ee Israa’iil, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay gantaallo ku garaaceen fariisimo ay ciidammada Israa’iil ku leeyihiin magaalada Shtula ee ku taal woqooyiga xuduudda, iyagoo uga aargoosanaya duqeymo ay Israa’iil ku dishay sawir qaade u shaqeynayay wakaaladda Wararka ee Reuters, Issam Abdallah Jimcihii. iyo laba rayid ah oo Lubnaani ah Sabtidii.
Afhayeenka Hezbollah, Rana Sahili, ayaa sheegtay in kororka xoojinta isdhaafsiga aysan muujineynin in Xisbullah uu go’aansaday inuu si buuxda u galo dagaalka Xamaas iyo Israel.
Dagaalka ka socda xuduuda waa isku dhacyo waxayna ka dhigan tahay ” digniin,” ayay tiri Rana Sahili.