Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senetka Mareykanka Chuck Schumer ayaa baraha bulshada ku sheegay in koox laba geesood ah oo Senatarro ah oo booqanayay Israa’iil ay ku carareen hoy ku yaal Tel Aviv maanta si ay u uga gabadaan gantaalo ay halkaas ku weerartay Xamaas.
Schumer ayaa soo dhigay sawirka isaga iyo Sen. Mitt Romney oo Jamhuuri ah oo laga soo doorto Utah oo ku sugan hoyga ay kaga gabanayeen duqeynta Xamaas, iyaga iyo dad kale.
“Waxay ku tusinaysaa dhacdadan sida nolosha reer binu Israa’iil ay u adag tahay. Waa inaan siinaa Israa’iil taageerada loo baahan yahay si ay isu difaacdo,” ayuu Schumer ku yiri qoraal uu soo bartiisa Twitter.
Schumer, oo ah sarkaalka ugu sarreeya Yuhuudda ee laga soo doorto Maraykanka, ayaa safarkan u qaaday si uu taageero ugu muujiyo Israa’iil ka hor talaabo la filayo inuu Congresska Mareykanka ku ansixiyo maalgelinta wakhtiga dagaalka ee Israel iyo sidoo kale Ukraine.
Schumer, oo ka tirsan Dimuqraadiga, ayaa sheegay inuu sidoo kale kala hadli doono mas’uuliyiinta Israa’iil nooca taageerada uu waddanku u baahan yahay hawlgallada militari iyo kuwa bini’aadantinimo labadaba.
Senatarada Jamhuuriga Bill Cassidy ee Louisiana iyo Senator Jacky Rosen oo Nevada ah iyo Mark Kelly oo Arizona ah ayaa sidoo kale ku jiray safarka ay xubnaha Congreska Mareykanka ku tageen Israel.
HOOS KA DAAWO SENATARADA IYO DAD KALE OO KU JIRA GOOB AY KAGA DHUUNTEEN GANTAALAHA XAMAAS