Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo dhibsatay Telefishinka Aljazeera iyo golaha Wasiirrada oo go’aan ka gaaraya

Maamulka Israel ayaa aad uga carreesay wararka xaqiiqada ku saleysan uu baahiyo telefishinka carbeed ee Aljazeera, waxa ayna Israel dooneysaa in ay xirto xafiisyada telefishinkaasi ku leeyahay gudaha Israel.

Wasiirka Isgaarsiinta maamulka Israel Shloma Karhi,ayaa sheegay in golaha wasiirrada Israel taageero uga raadinayo go’aan la doonayo in dalkooda uga mamnuucaan ugana xiraan xafiisyadiisa Telefishinka Aljazeera.

Waxa uu ku eedeeyay wasiirka telefishinka Aljazeera in uu taageero ururka Xamaas ayna buun buuniyaan wararka kooxdaasi, waxa uuna intaa ku daray in telefishinkaasi uusan dhax dhaxaad ka aheyn arrimaha taagan.

Soo-jeedinta xiritaanka xafiisyada Al-Jazeera ee laga leeyahay dalka Qatar ayaa la marsiiyay saraakiisha amaanka iyo khubarro dhinaca sharciga ah , waxaana gelinka dambe ee maanta loo gudbin doonaa golaha wasiirrada Israel.

Telefishinka Aljazeera ayaa si weyn u baahiya wararka ku aadan dagaalka Xamaas iyo Israel, waxa uu sidoo kale tefishinkaasi baahiyaa tacadiyada iyo dhibaatada ay shacabka u geesanayaan ciidamada Isreal, kaa oo ay si weyn  dhibsadeen maamulka Israel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda ICJ oo War cusub ka soo saartay dacwada badda ee Somalia & Kenya

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay Maxaabiis ku xiran xabsiyo kuyaala Puntland

Cabdi Cade

Xabaal wadareed ay ku aasan yihiin Muhaajiriin Itoobiyaan ah oo la helay iyo Baaris socota

Cabdi Cade
Taboola Ads ---