Allbanaadir.com
NEWS

Xisbullaah oo Gantaalo ku weerartay gudaha Israel iyo Khasaaro ka dhashay

Kooxda Islaamiga ah Xisbullaah ee fadhigoodu yahay qeybo kamid ah dalka Lubnaan ayaa gantaalo ku weerartay gudaha Israel, gaar ahaan deegaanno dhaca xadka ay wadaagaan dalka Lubnaan iyo Israel.

Kooxda gurmadka deg dega ee Israel ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay weerarkan gantaal ee lagu weeraray waqooyiga Israel, sidoo kale ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay gantaalaha Xisbullaah.

War kasoo baxay kooxda Xisbullaah ayey ku sheegeen in gantaalaha lahago ku weerareen waqooyiga Israel, waxa ayna kooxdan sheegtay in duqeymaha ay ku wadaan gudaha Isearl ay sii wadi dioonaan.

Israel ayaa xilligan wajaheysa duullaan culus oo kaga imaanaya xoogaga Islaamiga ah ee Xamaas iyo Xisbullaah, waxaana dagaal isbuuc socday Israel kasoo gaaray khasaarihii ugu badnaan muddo sodomeeyo sanno ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Dhoobo oo ka soo horjeestay xil ka qaadistii saaka lagu sameeyey

Caydiid Ali

Mucaaradka Kenya oo Shaaciyay xilliga ay dib u bilaabayaan Dibad-baxyadii ay wadeen

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada Hirshabelle oo hakiyay Guddiga xulista ergada labo kursi oo horey loo shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---