Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii ka dhacay Barujeed iyo dowladda oo ka hadashay

Kooxda Al Shabaab ayaa saakay weerar xooggan oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday deegaanka Barujeed ee kuyaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dagaal xooggan oo socday in ka badan saacad ayaa deegaanka Barujeed ku dhax maray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo horey ugu sugnaa deegaanka iyo kooxda Al Shabaab ee weerarka ku qaaday deegaankaasi.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, waxaana aaga lagu dagaallamay lasoo sheegayaa in wali yaalaan meydadka rag la dilay.

Saraakiil katirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in weerarka Al Shabaab ku jabiyeen , waxa ayna saraakiishan sheegeen in Al Shabaab laga dilay dagaalyahanno badan ,sidoo kale ka furteen hub iyo gaadiid ay wateen.

Guddoomiyaha Guriceel Faarax Cabdi Macallin ayaa sidoo kale sheegay Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay weerarkii ay soo qaadeen, waxa uuna xusay in goobtii lagu dagaallamay ay joogaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayna wadaan howlgalo.

Xaalada deegaanka Barujeed ayaana lasoo sheegayaa hadda ay degan tahay, waxaana deegaankaasi gaaray oo howlgalo kawada ciidamo gurmad ah oo deegaankaasi si deg deg ah u gaaray.

Deegaanka saakay weerareen Al Shabaab ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, waxaana ciidankaasi loo diyaarinayay howlgal mar kale lagu qabanayo degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud iyo deegaannada hoostaga.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka mid kamid ah ragii Weeraray Xerada Xalane

Cabdi Cade

Meydka Masuul katirsanaa guddiga Doorashada dalka Kenya oo la helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---