Allbanaadir.com
NEWS

Nin la dhashay Wasiir Mukhtaar Roobow oo la sheegay in lagu xiray Muqdisho

Warar soo baxayay saacadihii lasoo dhaafay ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya xabsiga dhigeen nin la dhashay wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Muktaar Roobow Abuu Mansuur.

Ninkan la xiray oo lagu magacaabo Ibraahim Roobow Cali ayaa katirsanaa guddiga tartanka adeegga xajka ee sanandkii hore iyo sidoo kale isla guddigan uu isbuucii hore uu mar kale magacaabay wasiir Mukhtaar Roobow.

Sida aan wararka ku helnay ninkan la xiray ee Ibraahim Roobow ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal la xariira musuq maasuq, waxaana baaritaanno ku wada laamaha ammaanka dowladad Soomaaliya.

Xubno kale oo katirsan guddigii adeegga xajka ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku socdaan baaritaanno, waxaana xubnahan lagu eedeeyay in aysan u adeegin sidii loogu tala galay ayna ku kaceen falal wax isdabada marin iyo musuq maasuq ah.

Dowladad Soomaaliya ayaana wali ka hadlin xarigga la sheegay in loo geestay ninkan la dhashay Sheekh Mukhtara Roonow, waxaana xarrigan imaanayaa xilli dowladda horey u xirtay xukunno kala duwan looguriday masuuliyiin musuq maasuq lagu helay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gobol ka tirsan Itoobiya oo qarka u saaran dalkaas intiisa kale inuu ka go’o

Caydiid Ali

Ogeysiis: Deeqda Waxbarasho ee Hormuud usoo bandhigtay Ardayda Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Faahfaahino kasoo baxaya dil loo geestay Masuul katirsan maamulka Koonfur Galbeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---