Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig ciidan iyo Dagaal culus oo…

Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa saakay weerar xooggan oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah waxa ay ku qaadeen xero ciidan oo kutaalla deegaanka Barujeed oo qiyaastii 60-km u jirta degmada Guriceel.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ku bilowday baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay, waxaana qaraxyada kaddib aaga ciidanka joogeen weerar toos ah kusoo qaaday rag hubeysan oo katirsan kooxda Al Shabaab.

Deegaanka Barujeed ee weerarku ka dhacay waxaa ku sugnaa ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa kasoo jeeda beesha Ceyr, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad oo labada dhinac dhax maray.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka beesha Ceyr ayaa guulo ka sheegtay weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen saakay, waxaa sidoo kale weerarkan iyana guul ka sheegtay kooxda Al Shabaab .

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaana lasoo sheegayaa in uu ka dhashay weerarkan saakay ka dhacay deegaanka Barujeed oo kuyaalla inta u dhaxeeya Guriceel iyo Ceelbuur.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska New York oo galay Jaamacadda Columbia farriin hanjabaad ahna diray

Cabdi Cade

Goobta ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha oo la diyaariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada DF oo kaabiga ku haya degaan uu fariisin ka dhigtay Kabokutukade (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---