Allbanaadir.com
NEWS

Q/Midoobay iyo MSF oo ka deyriyey xaalada Magaalada go’doonsan ee Gaza

MSF ayaa ugu baaqday Israa’iil inay ilaaliso aagagga nabdoon ee waqooyiga Qaza.

Hay’adda samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn (Medecins Sans Frontieres, ama MSF) ayaa soo saartay codsigeedii ugu dambeeyay iyadoo uu ku egyahay waqtiga kama dambaysta ah ee ay Israel u qabatay dadka rayidka ah inay ka baxaan waqooyiga Gaza.

“MSF waxay ku baaqaysaa in aagagga nabdoon ay ku nagaadaan waqooyiga iyo xabbad-joojin joogto ah.” ayuu yiri.

Isra’iil waxay sheegtay inay isu diyaarinayso hawlgal “hawo, badda iyo berriga” isku dubaridan oo ay dhisayso ciidamadeeda “iyadoo xoogga la saarayo hawlgallada muhiimka ah ee dhulka.

“Waxaan aad uga walaacsanahay masiirka kuwa aan awoodin inay dhaqaaqaan, sida kuwa dhaawaca ah, kuwa jiran iyo shaqaalaha caafimaadka oo aan ka baqano in la tirtiro marka loo eego hadallada ay soo saareen mas’uuliyiinta militariga Israel,” ayey warkeeda ku sheegtay MSF

Dhinaca kale, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ayaa ku baaqaysa xabbad-joojin degdeg ah iyo gargaar bini’aadannimo oo la soo geliyo Marinka Gaza, iyadoo sheegtay in boqollaal kun oo carruur ah iyo qoysaskooda ay bilaabeen inay ka qaxaan waqooyiga Qaza.

UNICEF waxay sheegtay in carruurta iyo qoysaska Gaza ay si dhab ah uga dhammaadeen cunno, biyo, koronto, daawo iyo helitaan ammaan ah oo isbitaallada, ka dib maalmo colaadeed iyo goyn dhammaan waddooyinka saadka.

“Xaaladdu waa masiibo, oo ay ka jiraan qaraxyo aan kala joogsi lahayn iyo koror ballaaran oo barakaca carruurta iyo qoysaska, Ma jiraan meelo ammaan ah,” ayay tiri Agaasimaha Fulinta ee UNICEF Catherine Russell.

UNICEF waxa ay sheegtay in shaqaalaheedu ay sii wadayaan wax ka qabashada baahiyaha muhiimka ah ee carruurta ku nool marinka Qaza, laakiin gelitaanka ayaa noqonaysa mid aad u adag oo khatar ah.

Hay’addu waxay sheegtay in shaqaalaha UNICEF ay joogi doonaan koonfurta Gaza si ay u sii wadaan taageerada ay siiyaan carruurta u baahan.

 

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibeda DF oo kulankii ugu horeeyey la qaatay James Swan (Sawirro)

Caydiid Ali

Banaan bax looga soo horjeedo dil maanta ka dhacay Muqdisho oo sii xoogeestay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Askar katirsan Booliiska oo Qur’aan Akhris lagu abaalmariyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---