Allbanaadir.com
NEWS

Wafdi ka socda dowlada Somalia iyo Q/Midoobay oo gaaray Beled-weyne (Sawirro)

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne,waxaana Socdaalkaan ku wehliyey,Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay ahna isku duwaha Arrimaha Bini’aadamnimada George Conway.

Masuuliyiin uu horkacaayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Sufuroow ayaa garoonka diyaradaha Ugaas Khaliif ku sodhaweeyey wafdigaan,waxaana intaas kadib kulan la qateen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed,iyadoo looga warbixiyey xaalada Baladweyne,cabsida ay ka qabaan fatahaado iyo dhibatadii ka dhalatay Qaraxyadii Baladweyne khawaarijta ka gaysatay iyo xaaladaha ay wajahayaan barakacyaasha ku nool Baladweyne.

Ujeedka wafdigaan ayaa ah indha-indheenta iyo ukuurgalida xaladaha bini’aadanimo ee gobolka ka jira,u Diyaar garowga digniinaha xalaada El-Niño taas oo wata Fatahaado iyo daadad culus,waxaana intaas kadib wafdigaan kormeereen Kaamamka barakacyaasha ee ku yaal gudaha magaalada,waxaana mid mid ula kulmeen qoysaska ku nool iyagoo ka xogwareestay xaladooda.

Sidoo kale wafdigaan ayaa waxa ay booqdeen goobaha biyo mareenada ah,iyo goobaha uu ka jilicsanyahay wabbiga markastana ka fataho.

Related posts

Galmudug oo wajaheysa Maalmo adag & Dhuusamareeb oo qarka u saaran..

Caydiid Ali

Ciidamo u dhashay Imaaraatka oo la geeyay Jasiirada Socotra iyo Xiisad ka taagan

Cabdi Cade

Milateriga Ruushka oo gantaalo ku garaacay caasimada Ukraine ee Kyiv (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---