Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar ciidamada Israel ka fuliyeen Koonfurta Lubnaan oo dhimasho sababay

Telefiishanka Hezbollah ayaa sheegay in rasaas xooggan oo la is weydaarsaday xadka Lubnaan ay la wadaagto Israa’iil ee dhulka lagu muransan yahay ee ku yaalla xadka Suuriya ee buuraha Golan ee Israa’iil ay haysato.

TV-ga Al-Manar ayaa sheegay in dagaalyahanada Xisbullah ay duqeeyeen fariisimo ay Israa’iil ku leedahay beeraha Chebaa iyo buuraha Kfar Chouba.

Waxay ahayd duqeymihii ugu dambeeyay ee ay isweydaarsadaan ciidamada Israel iyo dagaalyahanada Xisbullah tan iyo sabtidii lasoo dhaafay kadib weerarkii Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israel.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeymo ka fuliyeen Lubnaan ka dib markii ay rasaas kala kulmeen kooxda Xisbullah.

Beeraha Chebaa waxaa Israa’iil ka qabsatay Suuriya intii lagu jiray dagaalkii 1967

Duqeymaha Israa’iil ay ka geysatay tuulada Shebaa oo ku taalla koonfurta dalka Lubnaan ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo rayid ah oo u dhashay dalka Lubnaan, sida uu duqa magaalada u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

“Nin iyo xaaskiisa ayaa gurigooda lagu dilay duqeymo ay geysteen Israa’iil,” ayuu yiri Mohammad Harb oo AFP la hadlay.

Dhimashadan ayaa timid hal maalin kadib markii Israel duqeymo ay ka geysatay koonfurta Lubnaan ay ku dileen ugu yaraan hal wariye kuna dhaawacmeen lix qof.

 

Related posts

Xisbullah oo in ka badan 60-Gantaal ku duqeeysay saldhig laga hago hawada Israa’iil

Cabdi Cade

Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii lagu weeraray Hotelka Saxafi oo sii kordhay

Cabdi Cade

Afar kamid ah maamul Goboleedyada iyo G/Banaadir oo Qoraal wadajir ah soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---