Allbanaadir.com
NEWS

Xus weyn iyo isku soo bax maanta ka dhacay Isgoyska Zoope (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Kuxigeenada G/Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa kumanaan shacab ah kala qeyb galay Duco iyo xus loo sameeyay Shuhadadii ku naf-waayay Qaraxyadii murugada lahaa ee 14-October 2017 &  29-October 2022 ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen maato aan waxba galabsan oo isugu jiray Waayeel, Caruur, Haween iyo Dhalinyarro.

Isku soo baxa Bulsho ee loogu duceynayay Shuhadada ayaa dhiig shubis loogu sameeyay Ciidanka Xooga dalka iyo kuwa difaaca Shacabka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdsiho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Yuusuf Madaale)ayaa ka hadlay dhibkii uu geystay Qaraxii 14-kii October 2017 ee ka dhacay isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho.

Madaale ayaa sheegay in Al-shabaab ay yihiin maafiyo cadow ah oo u heshiiyey shacabka Soomaaliyeed inay laayaan sida uu warka u dhigay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay isu garabsanayaan sdii ay al-shabaab u dabar goyn lahaayeen,

Waxaa xusay in uu furimaha dagaalka ku soo arkay in waayeel iyo dhalinyaro loo midoobay sidii ay al-shabaab isaga xorayn lahaayeen

”Furimaha wax aan ku soo arkay odayaal 90 jiro ah oo qoriga u qaatay sidii ay degaanadooda uga xorayn lahaayeen Khawaarijta” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in dagaalka looga qayb qaato af,adin iyo dhaqaale, isagoo hambalyeeyey dhalinyaradda Soomaaliyeed ee dhexda u xidhay sidii dalka looga dabar goyn lahaa al-shabaab.

Related posts

(Daawo Sawirro) Wasiir hortagay kulankii xubnaha labada aqal oo su’aalo adag la weydiiyey

Caydiid Ali

Wasiirka arrimaha Dibeda ee Somalia oo la kulmay Dr. Ahmed El-Tayeb (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Askarigii loo xiray dilka George Floyd oo mashaqo kale ay soo wajahday

Caydiid Ali