Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo mar kale Digniin adag u diray Maamulka Puntland

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyay madasha dhaqaalaha heer qaranka ayaa sheegay inay Somaliland leedahay cadow kala duwan oo ku midaysan burburinteeda

“Cadow badan oo kala ujeeddooyin ah oo ku midaysan burburinta Somaliland, ayaa dalka isu soo bahaystay, dalkana waxa la geliyey xaalad dagaal, sidaa darteed Maanta mudnaantu waxay noqonaysaa in loo midoobo difaaca dalka, qaranka Somaliland-na waa kii ay xuduudihiisa ka tageen ee ay sameeyeen isticmaarkii Afrika oo dhan joogay oo aynu kala simannahay dhammaan 54-ta dawladood ee reer Afrika, waayo xuduuddeena waxa si cad u qeexaya Axdiga midowga Afrika.”

Muuse Biixi ayaa intaas ku daray inay Somaliland tahay dal xaq u leh in la maalgashado, muddo dheerna soo hayey jid cad oo uu ku higsanayo himiladiisa fog,“Somaliland waa qaran dhammaystirin oo xuduudihiisu sugan yihiin oo khilaafeedkeeda hab ay ku xallisa waayo arag u ah oo sharciga ku dhaqanta oo u koraysa inay dawlad adag, la maalgashan karo, hufan oo la icitaafi karo oo lala degi karo ah ayeynu waddadeeda soddon sanno soo haynay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ayaa digniin u diray maamulka Puntland , waxana uu caddeeyey inaanay marnaba hirgeli doonin rabitaanka maamulkaasi ku kala dhantaalayo Somaliland.

“Maamulka Puntland oo aad ugu fadallo dheer inuu Somaliland hab beelaysan dhul kaga qaato waxan leeyahay waynu is hurranahay inay Somaliland dhul ka qaadi karto iyo in kale, waxa lamid ah xildhibaanno Kenya ah oo wax la qaybsada siddeetan quruumood oo kala Diin iyo kala Af ah, haddana dab ka dhex shidaya Somaliland.” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaana ku eedeeyay maamulka Puntland ee dariska la ah in ay wadaan dhibaatooyin , waxa uuna cadeeyay in aysabn indhaha ka eegin doonin dhibaatooyinka Somaliland ka wadp gudaha Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waceysle iyo Abakar oo heshiis ka gaaray rag ay kala qafaasheen

Cabdi Cade

Soomaali loo diyaariyey la dagaalanka TPLF oo tababar ciidan loo soo xiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga doorashada guddoonka Golaha shacabka oo jawaab kulul siiyey Wasiir Xoosh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---