Allbanaadir.com
NEWS

Isra’il oo shaacisay in ay dileen Hoggaamiyihii Weerarkii dadka badan looga laayay

Ciidamada Israel ayaa maalintii todobaad oo xiriir ah duqeymo dhinaca cirka ah ku garaacaya magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhalanaya duqeymaha.

War kasoo baxay milatariga Israel ayey ku sheegeen in duqeymo ay geesteen diyaaradahooda dagaalka ku dileen hoggaamiye katirsan ciidamada Xamaas, gaar ahaan kuwii dhawwaan weeraray dhulka Israel maamusho.

Milatariga Israel ayaa sheegay in xogo sirdoon ay heleyn u suurto galisay in ay dilaan Cali Qaadi oo ahaa taliye katirsan ururka Xamaas ,gaar ahaan qeybta ‘Nukhba’, waxa ayna sheegeen in ninkan uu ahaa hoggaamiyihii weerarkii Isral lagu qaaday Sabtidii hore.

Ninkan ay sheegeen milatariga Israel in ay dileen ee Cali Qaadi oo 37-sanno jir ah ayaa kamid ku dhawaad ​​1,000 maxaabiis falastiiniyiin ah oo la sii daayay sannadkii 2011-kii oo lagu beddelay Gilad Shalit, oo ahaa askari Israa’iili ah oo ay Xamaas qabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun ka farxiyey Trump oo ka soo baxay Maxkamad ku taalla Mareykanka

Caydiid Ali

Askar fududeyn jirtay Tahriibinta dadka Yurub galaya iyo lacag badan oo la qabtay

Cabdi Cade

Odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya 5-kursi oo katirsan golaha shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---