Allbanaadir.com
NEWS

Macbarka Rafax oo Galabta la furayo si loo badbaadiyo Nolosha Muwaadiniin Mareykan ah

Dowladda Mareykanka ayaa wada dedaalo ay ku dooneyso in lagu badbaadiyo nolosha muwaadiniin heesta dhalashada dalka Mareykanka oo ku xayiran qeybo kamid ah magaalada Gaza.

Ilo Diblomaasi ayaa sheegay inay dowladaha Maraykanka iyo Masar isla gaareen qorshe lagu furayo Macbarka Rafax ee isku xira Masar iyo dhulka Falastiin.

Qaar ka mid ah Falastiiniyiinta haysta dhalashada Maraykanka ee ku xayiran magaalladda Qasa ayaa waxay E-mailo ka heleen waaxda maareynta xasaradaha Qunsulliyadaha ee hoos tagta wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka (CACMS) oo lagu wargeliyey furitaanka macbarka Rafax iyo inay ka soo gudbi karaan Rayidka iyo shisheeyaha ku go’doonsan magaalladda Qasa ee cunaqabataynta iyo Colaaduhu ku socdaan.

Tiro u dhexeyso 500 ilaa 600 muwaadiniin Maraykan oo badankooda asalkooda Falastiin yahay  ayaa ku xayirnaa magaalladda Qasa ilaa Sabtidii la soo dhaafay oo ay dagaalamayaasha Xarakada XAMAAS  weerar ka geysteen gudaha Israel.

Magaalladda Qasa ayaa waxaa ku socda duqeymo xooggan oo lagu garaacayo, waxaa sidoo kale magaalada ka socda barakac baahsan ay sameenayaan dadka noloshooda kala baxsanaya duqeymaha Israel ku wado magaalada Gaza iyo go’doominta magaallada la galiyay.

Related posts

Midowga Yurub oo hakiyey dhaqaalihii uu tooska u siin jiray dowlada Somalia

Caydiid Ali

Jubbaland oo duleedka Kismaayo ku gubtay boqolaal kiish oo bur ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyada DF oo ka laabtay Masuuliyiin uu shaqada ka joojiyey & Villa Somalia oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---