Ciidamada Israel ayaa duqeymo arxan-darro ah muddo isbuuca ku waday magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin, waxaana duqeymahan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Duqeymaha ciidamada Israel ku garaacayaan magaalada Gaza ayey ku beegsadeen guryo badan oo dad shacab ah degan yihiin, waxa ayna duqeymaha noqdeen kuwa aan laheyn bartilmaameed rasmi ah.
Wasaaradda caafimaadka maamulka Falastiin ayaa shaacisay in duqeymaha muddo isbuuc ah ciidamada Israel ka fuliyeen magaalada Gaza lagu dilay 1,900 qof oo shacab ah , halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 8,000 oo qof.
Dadka ku dhintay duqeymaha Israel ee ku garaaceen magaalada Gaza ayaa 614 kamid ah waxa ay yihiin carruur aan qaan gaarin , halka 370 qof oo kalana ay yihiin haween, waxaa sidoo kale dadka dhintay ku jira waayeelo iyo dad kale oo biihiyaha gaarka ah qabay.
Ciidamada Israel ayaana shacabka magaalada Gaza ugu baaqay in ay isaga baxaan magaalada ay doonayaan in weerar dhinaca dhulka ah ku qaadaan, waxaana laga cabsi qabaa khasaaraha inta hadda la ogyahay ay kasii bataan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com