Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo ka hadashay Macalinkii Jaamacadda Umadda ee u baxsaday Al Shabaab

Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo kamid ahaa macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadda Umadda ee maamusho dowladda Soomaaliya ayaa dhawwaan la oggaaday in uu u goostay kooxda Al Shabaab uu fikir ahaan horey u taageersanaa.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa layaab ku tilmaamay abwaanka u goostay Al Shabaab ee waddaniyada beenta ah kusoo galay magaalada.

“Shalay ayay ahayd nin halkan nala joogay oo Abwaan noo sheegtay oo waddani noo sheegtay ayaa hal mar waxaa la yiri waa tegay gabayadiisii marka dib loo fiiriyay aniga maba dhageysan jirinee, waaba la yaabay sida uu ninkaan dadka u dhex joogay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaana xusay in gabayada ninkan ka muuqdaan in uu xagjir weyn ahaa , isagoona isweediiyay in gabayada ninkan tiriyay kaliya hadda lasoo daayay, ama horey loo dhageestay oo aysan dadku fahmin.

Waxa uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha in ilaah mahadiis ay tahay in ninkan abwaanka sheegtay haddii uusan madax isku dhax-qarxin, waxa uuna xusay in suurto gal noqon laheyn inta yiraahdo gabay ayaan tiriniyaa madax badan isku dhax-qarxiyo.

“Alxamdulilaah, haddii uusan isku keyn qarxin ilaahey fadligiisa ayay aheyd intuu isku rakibo oo meeshaan oo kale uu yiraahdo gabay ayaan tirinayaa oo isku kaaya qarxin” Ayuu yiri wasiir Axmed Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay jireen saraakiil katirsanaa hay’adaha amniga oo u baxsaday dhinaca Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in uu jiro isku milan dowladda iyo Al Shabaab, isagoona farta ku fiiqay dowladdii hore,.

Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in nidaamka dowliga ay soo dhax-galisay xubno katirsanaa Al Shabaab, kuwaa oo qaarkood dib ugu laabteen Al Shabaab ,halka kuwa kalana ay wali is qarinayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biden oo ka fekeraya safar uu ku tago Israel iyo Ra’isul Wasaare Olof Scholz oo Israel tagaya

Cabdi Cade

Talooyin ku socda Madaxda Dowladda oo ku aaddan wadahadalada Soomaaliland

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulan xasaasi ah la qaatay Macalin Maxamuud iyo Xog ku aadan …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---