Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka Israa’iiliyiin ay Xamaas heesteen oo la helay iyo tirada dadka la qafaashay oo…

Ciidamada Israel ee duullaanka ku qaaday qeybo kamid ah magaalada Gaza ayaa helay meydadka qaar kamid ah dadkii ay Sabtidii hore qafaasheen dagaalyahannada ururka jihaadiga ah ee Xamaas.

Warbaahinta Israel ayaa ku waramay in ciidamada milatariga Israel weerar ay shalay ku qaadeen magaalada Gaza kusoo heleyn meydadka qaar kamid ah Israa’liyiin Xamaas afduub ahaan u heesteen.

Warbaahinta Haaretz iyo Jerusalem Post ayaa sheegay in ciidamada difaaca Israel ay heleen meydad aan tiradooda la cayimin, kuwaas oo dib loogu soo celiyay dhulka Israa’iil, waxaana la helay qaar ka mid ah alaabo ay leeyihiin dad la la’yahay.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka ay Sabtidii ciidamada Xamaas ka afduubteen gudaha Israel ay gaarayaan 120-qof, kuwaa oo qaarkood la aaminan yahay in ay dhinteen.

Kooxda Xamaas ayaa Sabtidii hore weerar dunnida layaabtay ku qaaday dhulka ay yahuuda maamusho, waxa ayna Xamaas weerarkaasi oo dhowr jiho ahaa ku dileen in ka badan 1,200 qof oo Israa’iiliyiin ah oo isugu jira shacab iyo ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay Gacan ku dhiigle baxsad ku jiray

Cabdi Cade

Shil Gaari oo naxtin leh oo dad ku dhinteen oo goordhaw ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden iyo Xaaskiisa oo booqday Iskuulkii ardayda badan lagu laayay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---